Trump oo sheegay in ciidanka Maraykanka ay dileen hoggaamiye in muddaa lagu raad joogay

Sabti 13 June 2026 {HMC}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Bolívar ee Koofur-bari ee Dalka Venezuela lagu dilay Hoggamiyihii Kooxda Tren de Aragua oo lagu magacaabo lagu Niño Guerrero.

Donald Trump ayaa sheegay in xogtiisa ay muddo ku daba-joogeen waxaana ugu dambayn suuragashay in la beegsado sida ku dhawaaqay madaxweynaha maraykanka oo Warbaahinta la hadlay markii uu soo gabagaboobay howlgalka.

“Taliska Koofueed ee Maraykanka waxa uu sameeyay weerar degdeg ah oo si guul ah kusoo dhammaaday waxaana lagu dilay Hoggaamiyihii Kooxda Argagixisada ah ee Tren de Aragua laguna magacaabo Niño Guerrero” Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Howlgalka Maraykanka waxaa gacan ka siiyay Ciidamo u dhashay Dalka Venezuela kuwaas oo fududeeyay shirqoolka lagu dilay hoggaamiyahaan maadaama ay muddo daba-joogeen dhaqdhaqaaqiisa, waxaana ugu dambayn lagu duqeeyay goobtii uu ku sugnaa.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...