Trump oo lagu eedeeyay in uu dhulka dhigay awoodda Militari ee Maraykanka

jumca 19, June 2026 {HMC} Qaar kamid ah Shacabka Dalka Maraykanka oo la hadlay Warbaahinta waxa ay Madaxweyne Donald Trump ku eedeeyeen in uu dhulka dhigay awoodda Militari iyo tan siyaasadeed ee Dalkooda kaddib markii uu ku guuldaraystay duullaanka uu ku qaaday Iiraan.

Waxa ay dadkaan ku doodeen in uusan ka fiirsan duullaankaas oo si indha la’aan ah uu ku galay, waxaana ay kula taliyeen in uusan markale qaadin weerar aanay laga talagelin saraakiisha waaya-joogga u ahaa dagaallo kala duwan oo dalkooda uu qaaday.

Iiraan ayaa maanta ku maadsanaysa Maraykanka iyo xulufadiisa iyada oo loo ogolaaday waxyaabo badan oo markii hore ay wadahadal ka damacsanayn in ay kala gasho Xukuumadda Washington sida ay ku doodeen ilo kala duwan.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa ku kala tagay heshiiska Iiraan ay la gashay Washington, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo Donald Trump dhexda ka istaajiyay dagaalka Tehran ayaa weli doonaya in colaaddu ay sii socoto.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...