Jimco, 12 June 2026 {HMC}Â Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo ka hadlay colaadda Bariga dhexe ka tagan ayaa qiray in dagaalka ka dhanka ah Iiraan aanay lagu soo afjari karin awood Milari balse xalka lagu gaari karo wadahadal si dhammaystiran loo saldhigo.
Donald Trump ayaa qirashada uu sameeyay ka leex-leexanayay muddo maadaama uu ku doodayay awoodda ciidamadiisa iyo qalabka ay haystaan ay soo afjari karaan Iiraan oo uu dhayalsanayay sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Marar kala duwan ayuu eedeyn culus u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo dagaalkaan faraha u geliyay isaga oo xiligaas u sheegay in haddii la dilo hoggaanka dalka Iiraan ay is dhiibayso Xukuumadda Tehran.
Trump ayaa billaabay in uu hadallo adag uu ku dhaho Benjamin Netanyahu sida in uu ku canaanto joojinta dagaallada bariga Dhexe maadaama mar weliba uu weerar fuliyo la beegsado saldhigyadiisa Dalalka Khaliijka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa u muuqda mid dib uga qoomamaynaya hadalladii la talinta ahaa ee laga siiyay kahor duullaanka Iiraan kuwaas oo ay kamid ahaayeen in uusan beegsan Madaxda la yaqaano ee lala hadli karo haddii kale ay arrintu ku adkaan doonto.

