Taliyihii ciidanka Badbaadada Koofur Galbeed oo loo magacaabay Taliyaha Madaxtooyada KGS

Axad 14 Juun 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay Taliyaha kumeel-gaarka ah ee ilaalada Madaxtooyada Maamulkaas, waxa uu xilkaan u dhiibay Taliyihii ciidanka badbaadada Koofur Galbeed, Cabdiraxmaan Nishow Cali.

Warqadda Magacaabista oo kasoo baxday Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa Taliye Cabdiraxmaan Nishow lagu faray in uu qaato mas’uuliyadda Amniga xarunta looga arrimiyo Maamulkaas.

Cabdiraxmaan Nishow waxa uu kamid ahaa Saraakiishii hoggaaminayay ciidamada Federaalka iyo kuwa Badbaadada Koofur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ka qabsaday Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...