Taliyihii ciidanka Badbaadada Koofur Galbeed oo loo magacaabay Taliyaha Madaxtooyada KGS

Axad 14 Juun 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay Taliyaha kumeel-gaarka ah ee ilaalada Madaxtooyada Maamulkaas, waxa uu xilkaan u dhiibay Taliyihii ciidanka badbaadada Koofur Galbeed, Cabdiraxmaan Nishow Cali.

Warqadda Magacaabista oo kasoo baxday Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa Taliye Cabdiraxmaan Nishow lagu faray in uu qaato mas’uuliyadda Amniga xarunta looga arrimiyo Maamulkaas.

Cabdiraxmaan Nishow waxa uu kamid ahaa Saraakiishii hoggaaminayay ciidamada Federaalka iyo kuwa Badbaadada Koofur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ka qabsaday Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan.

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku...