Taliyeyaasha Ciidanka Dhulka iyo Taliska Tababarada iyo Doktariinka CXDS oo Kormeeray Xerada Tababarka ee Xanan-Buure

Talaado 28, July 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen Khaalid), iyo Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka CXDS, Sarreeye Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa caawa kormeer shaqo ku tagay xerada tababarka ee deegaanka Xanan-Buure.

Ujeeddada kormeerkooda ayaa ah u kuurgalidda habsami u socodka tababarka iyo heerka diyaar-garowga cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Labada taliye ayaa warbixinno ka dhageysan doona saraakiisha iyo macallimiinta xerada, iyagoo sidoo kale dhiirrigelin u jeedin doona ciidamada ku jira tababarka.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu tayeynayo tababarka, lagu horumarinayo xirfadaha ciidamada, laguna xoojinayo heerka diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda difaaca Qaranka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shimbir ka soo duushay dalka Hungary oo 5,180km kaddib ku dhimatay degaanada Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee...