Taliye ka tirsanaa ciidamada Puntland oo la dilay iyo ninkii falka geystay oo la qabtay.

Qamiis 16, July 2026 {HMC}Wararka laga helayo degmada Jariiban ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Taliyihii saldhigga booliiska Jarriiban Gaashaanle Guuleed Cabduqaadir Kadleeye.

 

Inkastoo aanan faahfaahin badan laga helin qaabka uu udhacay dilka taliyaha hadana wararku waxay sheegayaan in dilka taliyaha uu geystay nin hubeysan.

 

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay nin ku eedeysan in uu dilay taliyihii saldhiga booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug Gaanshaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.Puntland political analysis GeographicReference

 

Booliska Puntland wuxuu tilmaamay in isaga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin ka soo qabteen gudaha magaalada Jariiban.

 

Booliska ayaa xusay in eedeysane Ibraahim loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo marsiiyo hannaanka cadaaladda Puntland.

 

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Taliska qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye”.

 

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...