Taliye cusub oo looga magacaabay ciidamads Badda ee ciidanka IRGC ee Iran.

Sabti 4 July 2026 {HMC} Cali Azmaei waxaa loo magacaabay taliyaha cusub ee Ciidanka Badda IRGC.

Taliyihii hore ee ciidankan wuxuu ahaa Alireza Tangsiri, kaasoo la dilay Abriil 26, weerar ay qaadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Israa’iil.

Ali Azmaei wuxuu hore u ahaa taliyaha Gobolka Shanaad ee Ciidanka Badda IRGC.

Gobolka Shanaad ee Ciidanka Badda IRGC waxaa la aasaasay Noofambar 4, 2012, waxaana hawlgalkiisa lagu dhawaaqay “laga bilaabo cirifka Jasiiradda Qeshm, oo lagu daray aagga Jasiiradaha Nazeat, ilaa galbeedka Jasiiradda Kish.”

Mr. Azmaei waxaa loo magacaabay taliyaha gobolkan laga bilaabo taariikhdaas.

Kahor intaas, wuxuu ahaa ku xigeenka taliyaha Gobolka Koowaad ee Ciidanka Badda IRGC.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

DFS oo Diyaarineyso xayiraado dhaqaale iyo socdaal oo ka dhan ah Lafta-gareen

ISNIIN 7, Sep 2026 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayaan tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo...