Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto oo maanta xarunta Taliska Taakuleynta ku qaabilay Taliyaha Dugsiga Tababarada ee TURKSOM,

Arbaco 24.June 2026 {HMC} Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabey), ayaa maanta xarunta Taliska Taakuleynta ku qaabilay Taliyaha Dugsiga Tababarada ee TURKSOM, Jeneraal Sabahattin Kalkan.

Labada taliye ayaa yeeshay kulan miro-dhal ah oo ay kaga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Taliska Taakuleynta XDS iyo Dugsiga Tababarada ee TURKSOM, iyadoo xoogga la saaray kor u qaadista tayada tababarrada iyo taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Jeneraal Sabahattin Kalkan ayaa Taliyaha Taliska Taakuleynta, S/Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabey), ugu hambalyeeyay xilka hoggaaminta Taliska Taakuleynta, isaga oo u rajeeyay guul iyo inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...