Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya iyo wafdi saraakiil ah oo oo gaaray Dhuusamareeb

Khamiis 13 Aug 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad, G/Sare Maxamed Cabdi Daahir “Dhagawayne”. Intaa kaddib, Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Mareykanka oo war ka soo saaray sheegashada Iran ee ah in ay qabsatay Markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanku.

Talaado, 8, Sep 2026 {HMC} Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka, CENTCOM, ayaa BBC uga jawaabay sheegashada Iran ee ah inay “qabatay” gujis Maraykanku leeyahay...