Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Booqday Furimaha Dagaalka Jameeco iyo Leego.

Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida,

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Furumaha hore Goobihii Dagaalka Geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed ey kula galeen Argagixisada gaar ahaan Aagaga Deegaanada Jameeco iyo leego ee Gobalka shabellaha hoose.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa halkaasi kula kulmay taliyeyaasha ciidamada iyaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalladii ugu dambeeyay ey Ciidamada galeen guulihii laga gaaray howlgallada iyo xaaladda guud ee amniga deegaannada ay ciidamada ka wadaan howlgallada.

Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey geesinimada naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo u taagan ciribtirka Khawaarijta xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta amniga dalka.

Sidoo kale waxay ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed iyaga oo caddeeyey garab-istaagga iyo taageerada ay u hayaan geesiyaasha ku jira safka hore ee dagaalka.

Guusha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa guusha shacabka iyo mustaqbalka nabadda Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Doorashada Israa’iil: Netanyahu oo Helay 53 Kursi, Carabtuna 19 Kursi,

Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Doorashada Israa’iil; tirinta cododka ayaa u muuqata in la dhammeystiray. Wuxuu Netanyahu iyo garabkiisa oo hoggaaminaya doorashada ay haleen...