Soomaaliya oo War ka soo saartay heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladda Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan.

Jimco Aug 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac ee wadajirka ah ee maanta kala saxiixdeen dalalka Sacuuudi Carabiya, Turkeyga iyo Pakistan.

Heshiisku wuxuu dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono inuu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa lagu hambalyeey heshiiska dalalka Muslimka ah ay wada saxiixdeen

“Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo u diraysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan munaasabadda saxiixa “Heshiiska Makka ee Difaaca Wadajirka ah”,

Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaamtay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta amniga wadajirka ah, horumarinta iskaashiga dhinaca difaaca, iyo dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo wax ku ool ah si wax looga qabto caqabadaha amni ee ay wadaagaan.

Wasaaradd gaashaandhiga ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay xaqiijinayso in heshiiskani uu gacan ka geysan doono taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka, isla markaana uu kobcin doono mabaadi’da iskaashiga, isku duubnida iyo mas’uuliyadda wadajirka ah, isagoo u adeegaya danaha shucuubta gobolka isla markaana taageeraya dadaallada lagu dhisayo nabad iyo amni.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarada Lagu Qaaday Dalka Sacuudiga.

Talaado, 8 Seb 2026 {HMC} — Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarrada ay maleeshiyada Xuutiyiinta ku qaadeen goobo rayid iyo xarumo...