Soomaaliya oo Si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Ka Dhacay Dimishiq.

Talaado 7 July 2026 {HMC} Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxay Cambaareyneysaa Weerarkii Argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Dimishiq.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisanimo ee lala beegsaday caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Dowladda Soomaaliya waxay si cad u diiddan tahay argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha ku dhisan nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay yeeshaan, iyadoo mar kale adkaynaysa sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaaggeeda buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan dhibbanayaasha iyo dadka uu saameeyay weerarkaan argagixisanimo, waxayna u rajaynaysaa dhaawacyada in alle siiyo caafimaad degdeg ah.

Sidoo kale, waxay ay Dowladda Soomaaliya ku baaqaysaa in sharciga la horkeeno dhammaan kuwii ka dambeeyay weerarkaan.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...