Jimco 4 Sep 2026 {HMC} Soomaaliya ayaa guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee wasiirrada ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray sidii loo fududeyn lahaa ganacsiga gobolka loona dhisi lahaa suuq dhaqaale oo si dhow isku xiran.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo shir-guddoominayay kulanka, ayaa sheegay in dalalka gobolka looga baahan yahay inay ka gudbaan ballanqaadyada siyaasadeed oo ay u dhaqaaqaan tallaabooyin la taaban karo oo faa’iido u leh ganacsatada iyo bulshada.
Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ansixinta iyo hirgelinta Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee 2026–2031, iyo dhismaha Guddiga Goboleed ee Fududeynta Ganacsiga.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo isku-dubaridka dalalka xubnaha ka ah hindisaha, la helo maalgelin ku filan, isla markaana ganacsatada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si toos ah looga qaybgeliyo qorshayaasha gobolka.
Wasiirrada ganacsiga ee Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan ayaa taageeray qorshaha, iyagoo xoogga saaray horumarinta marinnada ganacsiga, fududeynta kastamka, isku-xirka dekedaha iyo dalalka aan badda lahayn, casriyeynta xuduudaha iyo adeegyada dhijitaalka ah.
Jarmalka, oo ku hadlayay magaca saaxiibbada horumarinta, ayaa sheegay inuu sii wadi doono taageerada ajendaha ganacsiga gobolka, isagoo adkeeyay baahida loo qabo hoggaan mideysan, taageero farsamo iyo mid maaliyadeed, iyo hannaan cad oo lagu hirgeliyo qorshayaasha la isku raacay.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in Geeska Afrika looga dhigo gobol dhaqaale ahaan isku xiran, oo badeecadaha, adeegyada iyo fursadaha ganacsi ay si fudud uga gudbaan xuduudaha dalalka xubnaha ka ah Hindisaha Geeska Afrika.

