Soomaaliya oo Jaamacadda Carabta ka dalbatay saamigeeda jagooyinka sare.

Khamiis 23 July 2026 {HMC} Soomaaliya ayaa ka dalbatay Jaamacadda Carabta in la siiyo saamiga ay ku leedahay jagooyinka sare ee Xoghaynta Guud iyo madaxda ergooyinka, xilli Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Masar ahna Ergeyga Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, uu kulan la yeeshay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabiil Fahmi

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, iyo sidoo kale arrimo kale oo ay labada dhinac wadaagaan.

Danjire Cali Cabdi ayaa Xoghayaha Guud gaarsiiyay salaan iyo hambalyo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la xiriirta munaasabadda la wareegistiisa xilka, isagoo u rajeeyay guul iyo in uu hormariyo iskaashiga Carabta.

Sidoo kale, danjiraha ayaa warbixin ka bixiyay xaaladda Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladdu ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Jaamacadda Carabta, si loo horumariyo danaha guud ee dalalka Carabta iyo wada-shaqeynta gobolka.

Intii uu socday kulanka, Soomaaliya ayaa si rasmi ah u codsatay in la siiyo saamigeeda jagooyinka sare ee Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta, gaar ahaan jagooyinka madaxda ergooyinka iyo xilalka joogtada ah ee heerka sare.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabiil Fahmi, ayaa sheegay in Jaamacaddu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isla markaana ay tixgelin doonto codsiyada ay soo gudbisay, si loo xoojiyo iskaashiga iyo himilooyinka wadajirka ah ee dalalka Carabta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso doorkeeda iyo matalaaddeeda hay’adaha gobolka, iyadoo raadineysa in ay hesho saamiga ay ku leedahay xilalka sare ee Jaamacadda Carabta.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shimbir ka soo duushay dalka Hungary oo 5,180km kaddib ku dhimatay degaanada Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee...