Soomaaliya oo cambaaraysay safarka madaxweyne Cirro ee Israa’iil.

Khamiis 18, June 2026 {HMC} Kulanka toddobaadlaha ee ay yeeshaan golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa qodobadii lagu soo bandhigay uu qayb ka ahaa safarka Madaxweynaha Somaliland ee Israa’iil.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay, sida lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

‘’Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato.

Golaha ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.’’

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 19-10-2026.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO WARARKII...