Talaado 27 Oct 2026 {HMC} Danjiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay bandhig khayri ah oo hordhac u ah madal dhaqaale loogu uruurinayo Markazka Hidaaya ee laga hirgalin doono Gobolka kilifi ee deegaanada xeebeedka dalka Kenya.
Markazka Hidaaya oo uu hormuud ka yahay Shiikha iyo Qaariga Soomaliyèed ee Shiikh Cabdirashid Shiikh Cali Suufi ayaa wax wayn ku soo kordhin doona bulshada iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee ilmahooda u rabaan xarun waxbarasho diini ah oo suggan.
Sido kale markazku wuxu bixin doona taba barada macalimiinta quraaanka kariimka,qiraa’atka iyo tacliinta diiniga ah.
Shirkada hansmo ayaa dhulka ku deeqday iyado Ummda Soomaaliyeed laga codsaday in dhismaha xarunta ka qaybqaataan.

