Isniin 22, June 2026 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Hargeysa ku daahfurtay Mashruuca Horumarinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha (Somalia Enhancing Public Resources Management Project, SERP).
SERP waa mashruuc lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda iyo hagaajinta maamulka maaliyadda guud. Mashruuca waxaa laga hirgelinayaa dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.
Mashruucan, oo ay iska kaashanayaan Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku kacaya $75 milyan, wuxuuna socon doonaa inta u dhaxaysa 2023 ilaa 2027.
Mashruuca ayaa maanta si rasmi ah looga furay Hargeysa, iyadoo magaca mashruuca laga beddelay erayga “Somalia” oo laga dhigay “Somali”.
Xukuumaddii hore ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore uga biyo diidday hirgelinta mashruucan sababo la xiriiray arrimo siyaasadeed.


