Shirka Khubarada Militari ee dalalka taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasillinta Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Talaado 3 Augsto 2026 {HMC} Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Khubarada Militari ee dalalka taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo gogol-xaar u ah Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay diyaarinta qorshe hawleed lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta wadaagista xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda ciidamada.

Qorshaha ay diyaariyeen khubarada ayaa loo gudbin doonaa Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca si ay u ansixiyaan, iyadoo la doonayo in lagu xoojiyo amniga, xasilloonida iyo dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...