Shirka 4-aad ee Ciidamadda Badda Africa oo ka Furmay Dalka Marocco.

Talaado 21 July, 2026. {HMC} Taliyaha Ciidamadda Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya ee XDS, Admiral Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika ee (The Fourth African Maritime Forces Summit), kaas oo ay ka qayb-gelayaan in ka badan 40-dal oo Africaan ah oo ay Soomaaliya kujirto, waxaana shirkan oo ay soo qaban-

qaabisay AFRICOM diiradda lagu saarayaa horumarinta Ciidamada Badda Africa, cirib-tirka kooxaha Burcad-badeeda, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci-darrada ah, kahor tagga Argagixisada Badda iyo Khataraha tiknoolajiyadeed ee soo ifbaxaya iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga u dhexeeya Ciidamada Badda ee dalalka Africa.

Taliye General Cabdiwahaab, ayaa shirka ka sheegay guulaha waaweyn ee ay Soomaaliya ka gaartay adkaynta ammaanka iyo xasiloonida guud ahaan dalka gaar ahaan xeebaha Soomaaliya, wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay xaqiijisay xakamaynta iyo la dagaalanka Burcad-badeeda, Kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo khataraha kooxaha Argagixisada ah, isagoo tilmaamay inay wadaan kor u qaadista tayada Ciidanka Badda Soomaaliya si ay ugu filnaadaan ilaalinta iyo bed-qabka xeebaha Soomaaliya, wuxuuna beesha caalamka uga mahad-celiyey taageerada ay siiyaan dhamaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed loo dhan yahay oo ku salaysan adkaynta ammaanka xeebaha iyo iskaashiga dhamaan dalalka Africa ee dhinaca xeebaha

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...