Shimbir ka soo duushay dalka Hungary oo 5,180km kaddib ku dhimatay degaanada Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee degmada Bandar-bayla, gobolka Karkaar, sida ay sheegtay Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland.

Shimbirtan oo loo yaqaan Xuur-cadda (White Stork), magaceeda saynisna yahay Ciconia ciconia, ayaa sidday summadda UK43.

Wasaaraddu waxay sheegtay in shimbirtu ku dhalatay 7-dii May 2026 magaalada Szécsény ee dalka Hungary, halka 10-kii June lagu suntay summadda UK43 iyadoo 34 maalmood jirta.

Sida wasaaraddu sheegtay, shimbirtu waxay 87 maalmood kaddib gaartay deegaanka Dhuudo, iyadoo soo martay masaafo dhan 5,180km.

Soomaaliya ayaa ku taalla marinka socdaalka shimbiraha ee loo yaqaan African-Eurasian Flyway, waxaana inta badan dalka soo gaara shimbiro guur-guura bilaha Agoosto ilaa Oktoobar.

Xuur-caddadan ayaa ugu dambeyn 5-tii Sebtembar 2026 ku geeriyootay deegaanka Dhuudo.

Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa bulshada ugu baaqday in la soo wargeliyo haddii ay la kulmaan duurjoog calaamadeysan ama u baahan gargaar.

Screenshot

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo laga Dalbaday in lasii daayo Muwaadiniin u dhashay Masar oo lagu haaysto Xeebaha Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Masar ayaa Soomaaliya ka codsatay in la dardargeliyo dadaallada lagu sii daynayo badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu hayo meel...