Shiinaha sannadkan ku maalgaliyay dalalka Afrika, In ka badan 30 Bilyan iyadoo Soomaaliya ka heshay Saami aad u yar.

Khamiis 6, Aug 2026 {HMC} Waxaa sii kordhay maalgashiga Shiinaha uu ku sameysanayo Qaaradda Afrika, waxaana xog-baaris arrintaas ku saabsan oo si wadajir ah u sameeyeen Green Finance & Development Center (Shanghai) iyo University of Queensland Business School lagu ogaaday faa’iidada Beijing ay ka heshay 6 bil ugu horreysay ee sannadkaan 2026.

Mashruuca Belt and Road Initiative ee Shiinaha uu soo billaabay sannadkii 2013 waxa uu xoogga saaray Qaaradda Afrika iyada oo Beijing ay diiradda saarayso horumarinta Dekedaha, Dhismaha Waddooyinka, Buundooyinka, Marinnada Tareennada, Garoomo Diyaaradeed, Warshado, u guurista tamarta cadceedda, samaynta Gaaska, Biyaha, Isgaarsiitna & Macdanta dabiiciga ah.

Dhammaan ilaha muhiimka ah oo Shiinaha uu gelinayo dhaqaale oo muddo kaddib dib uga soo laabanayso Faa’iido badan waxa ay noqotay fursad uu dalkaasi ku dhiirrado sidii uu u heli lahaa Dalal kala duwan oo Isla arrintaan u baahan balse aanay haysan dhaqaale ay ku fuliyaan mashaariicdaas horumarineed sida daraasadda lagu sheegay.

Maalgashiga Shiinaha ee Afrika waxa ay gaartay $33.5 Bilyan oo Doollar lixdii bil ee ugu horraysay sannadkaan 2026, waxyaabaha loo cuksanayo kororkaas waxaa kamid ah in Beijing ay xoogga saartay Macdanta muhiimka u ah in waxyaabo badan laga sameeyo ay ka heshay dalalka qaar ay mashaariicdaan gaarsiisay.

Dalalka maalgelintaan fursadda u helay waxaa kamid ah: Itoobiya, Masar, Morocco, Zambia, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Angola, Tanzania, Kenya & Nigeria. Halka ay jiraan Dalal kale oo ka fursado yar oo mashaariicda Shiinaha qaybta ka ah kuwaas oo horay u saxiixay BRI sida xogta lagu sheegay.

Liiska Dalalka aan fursadaha waa weyn helin waxaa ku jira Ghana, Rwanda, Zimbabwe, Koofurta Suudaan, Chad, Cape Verde & Soomaaliya oo qayb ka ah Dalalka mashruucaan saxiixay ay helayaan fursado isugu jira Biyaha, Caafimaadka, Beeraha & Xarumaha Bulshada inkasta oo ay ku jiraan qorshaha Beijng ee Maalgashiga Afrika.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarada Lagu Qaaday Dalka Sacuudiga.

Talaado, 8 Seb 2026 {HMC} — Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarrada ay maleeshiyada Xuutiyiinta ku qaadeen goobo rayid iyo xarumo...