Muqdisho, 11-Oktoobar 2026 {HMC} Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si cad u beeninayaa sheegashada maanta ay baahisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA), taas oo la xiriirtay eedeymo been abuur ah oo loo jeediyey illaalada Madaxweynaha oo ka tirsan ciidanka Qaranka.
Waxaan caddeynaynaa in sheegashadaasi aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhacdooyin tixane ah oo lagu khal-khalgalinayay deegaanka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, iyadoo si gaar ah aan uga digayno warbixinnada looga danleeyahay marin-habaabinta shacabka Soomaaliyeed ama sumcad-dilka siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si buuxda u aqoonsanyahay muhiimadda ay leedahay illaalinta amniga qaranka, madax-bannaanida hay’adaha amniga iyo dhowrista sharciga. Hase-yeeshee, mabaadi’daasi waa inay si siman ugu dhaqmaan dhammaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalka, iyadoo aan loo eegin mowqifkooda siyaasadeed.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la hor-istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka sida biyaha, cunnooyinka iyo wixii la mid ah, hase-yeeshee laga muujiyay dulqaad, si looga fogaado isku dhac hubeysan.
Waxaa intaa dheer in afduub lagula kacay qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta Madaxweynihii hore, iyadoo ay jirtay walaac ku saabsan joogitaanka ciidamo hubeysan oo lasoo dhoobay goobaha ku dhow guriga Madaxweynaha, balse marar badan la iska indha tiray in laga falceliyo, si shacabka deegaanka loogu turo, loona illaaliyo ixtiraamka loo hayo dowladnimada nugul..
Dhacdooyinkaas oo dhan waxay u baahanyihiin in si dhab ah loo diiwaangeliyo, loo xaqiijiyo, tallaabo walba oo khaldana lagula xisaabtami doonaa ciddii si shaqsi ah ugu kacday iyadoo adeegsaneysa magaca dowladnimada.
Hay’adaha amniga qaranku waa inay noqdaan kuwo ka madax-bannaan loollanka siyaasadeed, kuna shaqeeyaan sharciga, ayna u illaalinayaan muwaadiniinta si siman.
Waxaan taliska hay’adda NISA ugu baaqaynaa inay joojiyaan marin habaabinta shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa-dhacaya xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay, duufaannada, roobabka mahiigaanka ah, barakicinta iyo boobka hantidooda ama dhulalkooda loo gaystay.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka waxay u baahantahay miyir-qab, masuuliyad iyo hoggaan ka fog tallaabooyin keeni kara iska hor’imaad hubeysan. Soomaaliya uma baahna xiisad amni oo cusub, manna mudna in khilaafaadka siyaasadeed loo beddelo colaad halis galineysa nolosha muwaadiniinta iyo xasilloonida dalka.
Waxaan mar kale ka digaynaa in dhacdooyinka amni ama eedeymaha aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin loo adeegsado cadaadis siyaasadeed, cabsi-gelin ama isku-day lagu aamusiinayo siyaasiyiinta mucaaradka ee u taagan in dalka laga hirgaliyo doorasho wadar-ogol ah.
Sidaa-darteed mas’uuliyadda wixii ka dhasha tallaabo kasta oo sharci-darro ah ama kicin karta iska hor’imaad waxaa qaadaysa xukuumadda muddo-dhaafka ah, mowqifkayaguna waa nabad, wada-hadal iyo xal siyaasadeed.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu mar kale xaqiijinayaa inuusan dan ka lahayn abuurista xaalad amni-darro, hurin colaadeed ama dhiig-daata. Wuxuu aaminsanyahay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka lagu xallin karo wada-hadal dhab ah, is-aaminaad iyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.
Waxaa loogu baaqayaa xukuumadda muddo-dhaafka ah, hay’adaha amniga, siyaasiyiinta dalka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay muujiyaan dulqaad, dhowraan sharciga, kana fogaadaan tallaabo kasta oo xaaladda taaggan uga sii dari karta.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya inay dhiirrageliyaan hufnaanta, isla-xisaabtan iyo xal u helidda muranka doorashooyinka iyo guud ahaan arrimaha qalafsan ee siyaasadeed dalka.
Ugu dambeyn, sheegashada NISA ma beddeli karto xaqiiqada, mana noqon karto xukun lagu banneysanayo dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaana mar kale aan si cad u diiddannahay eedeymaha lagu sumcad dilayo illlaalada Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed.


