Saraakiil Ciidan oo ka socoto Dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaaray.

Jimco 10, July 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, habraaca iyo sharafta ciidamada ayaa lagu maamuusay soo dhaweynta Taliyaha iyo wafdigiisa.

Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga iyo difaaca ah.

Dowladda Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, kobcinta awoodda ciidamada iyo xoojinta iskaashiga difaaca. Xiriirka labada dal ayaa si joogto ah u sii xoogeysanaya, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta amniga iyo la dagaallanka khataraha wadajirka ah.

Waxaa la filayaa in booqashadan ay sii xoojiso xiriirka labada ciidan iyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada iyo is-dhaafsiga khibradaha, taas oo gacan ka geysan doonta adkeynta amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...