Saldhig Milatari oo ay wada isticmaalidoonaan Mareykanka Imaaraadka iyo Israaiil lagana Hirgelinaayo Berbera ayaa gabogabo maraayo.

Jimco 24 July 2026 {HMC} Ilo ay soo xigatay Majaladda The Global Eye ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta uu dhammeystir ku dhow yahay saldhig milatari oo laga dhisayo agagaarka Garoonka Diyaaradaha Berbera ee Somaliland.

Saldhiggan ayaa la sheegay inuu noqon doono xarun istiraatiiji ah oo ay si wadajir ah uga faa’iideysan karaan Mareykanka, Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil, iyadoo laga hirgeliyay kaabayaal ciidan oo ay ka mid yihiin goobo difaaca cirka ah, xarumo raadaar, hangarro loogu talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha kale.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in saldhigga lagu daray dhismayaal gaar ah iyo bakhaarro dhulka hoostiisa ah oo loogu talagalay kaydinta hubka iyo rasaasta, taas oo sare u qaadaysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee goobta ku taalla xeebta Berbera.

Warbixinta Majaladda The Global Eye ayaa tilmaamaysa in xaruntan ay qayb ka noqon karto qorshayaasha amni iyo difaac ee gobolka Geeska Afrika.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shimbir ka soo duushay dalka Hungary oo 5,180km kaddib ku dhimatay degaanada Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee...