Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Sudan oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo.

 Jumca 14 Aug 2025 {HMC} Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Sudan ayaa si rasmi ah looga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo Amb Axmed Jaamac Cumar.

Danjire Axmed Jaamac Cumar Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonaa dalka Sudan ayaa noqday safiirkii ugu horeeyey ee waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo looga guddoomo Madaxtooyada dalka Sudan tan iyo markii ay dagaalladu ka dhaceen dalkaasi.

Waxaa warqadaha Danjirenimo ka guddoomay Guddoomiyaha Golaha Ku-meel-gaarka ah iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan.

In safiirkeenna uu noqdo danjiraha ugu horeeya ee Madaxtooyada Khartoum looga guddoomo warqadaha Danjirenimo waxa ay ka turjumeysaa xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sudan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gaaray Dalka Shiinaha.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...