Sacuudiga Pakistan iyo Turkiga oo isku raacay in si deg deg ah loo dhaqan-geliyo heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka.

Isniin 5 Oct 2026 {HMC} Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Turkiga ayaa isku raacay in si deg deg ah loo dhaqan-geliyo heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka, kaas oo dhigaya in saddexda dal ay iska kaashadaan difaaca amniga iyo dhulkooda.

Go’aankan ayaa ka soo baxay kulan degdeg ah oo ay yeesheen wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda iyo saraakiil militari.

Saddexda dal ayaa sheegay inay si cad uga soo horjeedaan weerar ama hanjabaad kasta oo lagu beegsanayo Sacuudiga, iyadoo la diyaarinayo ciidamada iyo awoodaha militari ee loo baahan yahay.

Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khaalid bin Salmaan, ayaa sheegay in tallaabooyinka dhaqan-gelinta heshiiska si degdeg ah loo bilaabayo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ra iisulwasaare Abiy Axmed u jawabaya isbaahaysiga Soomaaliya, Masar, Eriteriya & Suudaan.

Isniin 5 Oct 2026 {HMC} Raysal wasaaraha Wadanka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa u jawabaya isbaahaysiga Soomaaliya, Masar, Eriteriya & Suudaan. "Deriskeennu waa saaxiibbadeen, laakiin haddii...