Sabti 10 Oct 2026 {HMC} Sacuudi Carabiya ayaa si weyn uga walaacsan gantaallada Xuutiyiinta Yemen oo naafeeyey kaabayaasha dhaqaalaha ee Garoomada & Wershedaha, sida uu ku warramay wargeyska World Street Jornal oo intaasi ku daray in boqortooyada ay ka sii dhammaanayaan gantaallada difaaca ee ka-hortagga.
Dagaallada ayaa saameeyey socdaalka dalkaas, iyada oo ay baaqdeen boqolaal safar oo cumro, dalxiis & kuwo ganacsi ah.
Wargeysku wuxuu leeyahay; In kasta oo Boqortooyadu weerar balaadhan ku qaadday Xuutiga, haddana ma karto dagaal dheer, waxaana suuragal ah xabbad-joojin todobaadyada soo socda.

