RW Xamse oo Magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

Sabti 18 July 2026 (HMC) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

Gogol-xaadhka hawsha guddigan, oo muddo sanad ka badan ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay wadeen guddi-hoosaadka Shaqo-abuurka Qaran, ayaa hadda soo gaartay waqtigii dhaqangelinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo cuskanaya qodobka 120-aad ee Dastuurka JFS, isla markaana eegaya muhiimadda ay leedahay dardargelinta xirfadaha, shaqo-abuurka, nidaamyada hagaajinta suuqa shaqada, iyo abuurista fursado dhaqaale oo lagu horumarin karo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka.

Guddiga ayaa ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo 13 wasaaradood oo udub-dhexaad u ah hawlaha xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla Viacha

Talaado 8, Sep 2026 {HMC} Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla...