RW Ku-Xigeenka oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development Forum)

Talaado 14 July 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 3-aad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development Forum), oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar muuqda dhinacyada dib-u-habaynta dowladnimada, dimuqraadiyadda, kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah.

Sidoo kale Waxa uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo u diyaar-garowga khataraha soo socda.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay muhiimadda wada-hadalka, dowlad-dhiska loo dhan yahay, iskaashiga dowladda iyo bulshada rayidka ah, aqoonyahannada iyo bah-wadaagta horumarinta si loo helo Soomaaliya nabad ah.

– DHAMMAAD –

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla Viacha

Talaado 8, Sep 2026 {HMC} Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla...