Ruushka oo Fariin u diray Israa’iil.

Khamiis 18, June 2026 {HMC} Sergei Lavrov, isagoo taageeraya isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, ayaa ugu baaqay Israa’iil inay u hoggaansanto qodobada heshiiskaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Russia ayaa sheegay in Moscow ay soo dhoweynayso heshiis kasta oo gacan ka geysta dhimista xiisadaha gobolka, isla markaana ay u aragto tallaabo loo qaaday xasilloonida.

Sida uu sheegay, “Waa muhiim in dhammaan dhinacyadu si buuxda u hirgeliyaan heshiiskan, mana filan karno in dalal qaarkood ay u hoggaansamaan halka kuwo kalena laga dhaafo.”

Israa’iil ayaa saaka weerartay goobo ku yaalla koonfurta Lebanon. Iiraan waxay sheegtay in joojinta dagaalka Lubnaan ay ka mid tahay qodobada lagu xusay is-afgaradka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan.

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku...