Khamiis 18, June 2026 {HMC} Ka dib weerarkii xooganaa ee Ukraine ay maanta ku qaaday caasimadda Ruushka ee Moscow, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov ayaa waxyar ka hor digniin adag u diray Ukraine, isagoo yiri: “Erayo keliya kuma filna jawaabta waxa ay Ukraine samaysay.”
Wuxuu intaas ku daray: “Ruushku wuxuu qaadi doonaa weerarro culus oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo militari oo Ukraine leedahay.”
Sidoo kale wuxuu sheegay: “Waxaan si toos ah u beegsan doonnaa goobaha saameeya awoodda dagaal ee ciidamada Ukraine.”
Lavrov ayaa ugu dambayn yiri:“Bartilmaameedyadan xaa hore u go’aamiyay Taliyahayaga Sare (Putin), ciidamadeennuna way fulin doonaan.

