Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo xirayay tababar Kumaandooska Danab.

Isniin 28 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo xirayay tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab.

Intii ay socotay munaasabadda xiritaanka tababarka, ciidamadu waxay soo bandhigeen dhoollatusyo iyo bandhigyo milatari, kuwaas oo muujinayay heerka tababarka, diyaar-garowga iyo awoodda hawlgal ee ay gaareen.

Madaxda ayaa dhageystay warbixinno ku saabsan tababarka iyo natiijooyinkii laga gaaray, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ay ciidamada ka kororsadeen muddadii uu tababarku socday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, isagoo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, ayna ilaaliyaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, laguna xoojinayo awooddooda, diyaar-garowgooda iyo kartidooda ay ugu adeegayaan difaaca dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shan Askariy Gorgor ah oo Lacagta Arooskooda Lagu Abaal-mariyey Baydhabo.

Talaado 13 Oct 2026 {HMC} Iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “ Gen Khaalid”...