Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo gebogabeeyay safar shaqo oo uu ku tagay Galmudug.

Jimco 26, June 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta soo gebogabeeyay safar shaqo oo laba maalmood qaatay oo uu ku joogay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay wada-hadalladii uu la yeeshay hoggaanka Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye , kuwaas oo Xukuumadda DanQaran ay xoogga ku saartay sidii deegaannada Galmudug uga dhici lahayd doorasho nabdoon, si looga fogaado wax kasta oo dib-u-dhac ku keeni kara horumarka la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi ku bogaadiyay go’aannadii uu shaaciyay ee ku saabsanaa qabsoomidda doorashada qof iyo cod, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in doorashadaas uu qabto, kadibna si xilkasnimo iyo nabadgelyo leh ugu wareejiyo xilka cidda ku guuleysata.

Ka hor inta uusan ka ambabixin Dhuusamareeb, Mudane Xamsa ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta Galmudug ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo si weyn u muujiyay sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado dowlad-dhiska Galmudug, lana xoojiyo dhaqanka wanaagsan ee isu wareejinta xukunka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye , iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...