Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Arbaco 24.June 2026 {HMCH]Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi la socda ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug halkaas oo uu ka billaabyo kulamo wadatashi ah.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin isugu jirta heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed, saraakiisha ciidanka labada heer & kuwa Midowga Afrika.

Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug oo sidaan oo kale la kulmay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa doonaysa in Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug ka qabato Doorasho Dadweyne oo lamid ah tan ka dhacday Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug si Dadku u doortaan mas’uuliyiinta maamulaysa.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...