Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo ku qaabilay Safiirka Indonesia u fadhiya Soomaaliya.

Muqdisho, 3 Augsto 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Soomaaliya, Danjire T.B.H. Witjaksono Adji.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, kalluumeysiga, dhaqaalaha buluugga ah, iyo fursadaha lagu ballaarinayo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Indonesia wadashaqaynta iyo xiriirka kobcaya ee ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoo adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo kor u qaadidda xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...