Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar.

Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa daarran xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa inta uu ku sugan-yahay dalka Qatar waxa uu kullamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa dowladda Qatar, iyada oo booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee ay la leedahay dunida.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...