Ra iisulwasaare Xamse oo la kulmay Taliyaha Booliska Jabuuti.

Khamiis July 16, 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Mudane, Col, Cusmaan Dubad Sugulle iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Jabuuti Mudane Col, Cabdiraxmaan Cali Kaahin, oo soo booqday dalkeenna Soomaaliya.

Kulanka ayaa daarnaa salaan Iyo booqasho uu Taliyaha Boliiska Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ugu yimid Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre isaga oo uu wehelinayo

Safiirka Dowladda Jabuuti Mudane Cusmaan Dubad Sugulle, iyada oo masuuliyiintu ay ka wada hadleen iskaashiga labada dowladood ee walaalaha ah iyo shacab Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay booqashadooda ay ugu yimaadeen, isaga oo xusay in xiriirka Soomaaliya ibo Jabuuti uu ku salaysan yatay walaalnimo iyo is garabsi buuxa oo dhinacyo badan leh.

Safiirka ayaa dhankiisa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo dadaalka ay Xukuumadda DanQaran ku bixisay dhismaaha iskaashi ku salaysan danaha labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...