Qeylo-dhaan ka soo yeertay xaaladda Marinka Hormuz & Boqollaal maraakiib ah oo ku xaniban.

Sabti, 29, August 2026 {HMC} xeebaha, sababo la xiriira dagaalka Iran, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha maraakiibta.

Jimcihii, Ururka Caalamiga ah ee Badaha ee IMO, ayaa sheegay in 400 oo ah maraakiib shidaal sidda iyo 6,000 oo shaqaale maraakiib ah ay ku xanniban yihiin meelaha xeebaha ka baxsan tan iyo markii uu bilowday dagaalka Bariga Dhexe.

“Inkasta oo maraakiib iyo shaqaalahooduba ay awoodaan inay ka gudbaan xuduudda xeebaha, 400 oo markab iyo 6,000 oo shaqaale ah ayaan dhaqaaqin tan iyo markii dagaalku bilowday, sababo la xiriira walaacyo amni,” ayuu yiri Arsenio Dominguez, madaxa fulinta ee hay’adda.

Waxa uu xaaladda ka taagan Marinka Hormuz ku tilmaamay arrin “aan weli xal loo helin”.

Hay’addu waxay sheegtay in tan iyo markii dagaalku bilowday la weeraray in ka badan 70 markab oo marayay marinka, iyadoo ay ku dhinteen 19 shaqaale maraakiib ah.

Dominguez ayaa sheegay in hakadka ku yimaada gaadiidka caalamiga ah ee shidaalka uu yeelan karo “saameyn weyn”.

Waxa uu ku baaqay in la sameeyo “isku-duwid siyaasadeed oo cusub” si dib loogu soo celiyo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta.

Mareykanka iyo Iran ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore saxiixay heshiis, waxayna bilaabeen wada-hadallo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

 Dawladda Afgaanistaan oo ku baaqday safaaradda Mareykanka in dib loogu furo magaalada Kabul.

Sabti, 29, August 2026 {HMC} Dawladda Afgaanistaan ayaa lagu warramayaa inay ku baaqday safaaradda Mareykanka in dib loogu furo magaalada Kabul oo dib loo soo...