Qasaaro kala duwan ayaa ka soo gaaray Ciidamada Mareykanka Weerarkii ay Iiraan ku qaaday Urdun.

Isniin 20 July 2026 {HMC} New York Times oo soo xiganeysa sarkaal Mareykan ah ayaa sheegtay in tobanaan askari ay dhaawacmeen iyadoo dhowr helikobtarna ay waxyeelo ka soo gaartay weerarada Iran ee lagu qaaday saldhiga militeriga Mareykanka ee Urudun toddobaadkii la soo dhaafay.

Wargeyska oo xiganaya ilo militeri ayaa shegay in saddex weerar oo kale oo la mid ah kuwan ay dhaceen ka hor weerarkii Iran ee Jimcihii, kaas oo ay ku dhinteen saddex askari oo Maraykan ah.

Sarkaalka militeriga Mareykanka ee ka hadlay arrintan oo magaciisa aan la sheegin ayaa sheegay in aan Taliska Dhexe ee Mareykanka looga baahneyn in uu soo saaro macluumaad ku saabsan askarta dhaawacmay hadii ay degdeg uga soo laabanayaan shaqada.

Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa u sheegay The New York Times, “Maxay Wasaaradda Difaaca Maraykanka u soo saareysaa macluumaad ka caawin kara Iran in ay si ka saxsan u beegsato bartilmaameedkeeda iyo weerarradeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dilaaga ah ee ka dhanka ah Urdun iyo saldhigyada kale ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, halkaas oo kumannaan askari oo Maraykan ah ay ku sugan yihiin?”

Sida uu sheegay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka in ka badan 400 oo askari oo Maraykan ah ayaa ilaa hadda ku dhaawacmay iska dagaalka lagula jiro Iran.

Dhanka kale, war ay soo saareen, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa “uga mahadceliyay” “shacabka Urdun” “macluumaad sax ah oo ku saabsan 20 god oo difaac ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka.”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Madaxweynaha Soomaaliya, oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug, ayaa safar dhulka ah ku gaaray degmada Cadaado.

Cadaado, Agoosto, 16, 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye...