Jimco 4 Sep 2026 {HMC}Â Warbixin cusub oo ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa Boosaaso, oo ka tirsan Puntland Soomaaliya, ku sheegtay mid ka mid ah meelaha transit-ka ah ee ay adeegsadaan shabakado lagu taageero Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF).
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xaqiiqo-raadinta Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan ayaa sheegay inuu helay sababo macquul ah oo lagu rumaysan karo in hay’ado gaar loo leeyahay, dhex-dhexaadiyayaal dhinaca saadka ah iyo shaqaaleysiiyeyaal ka hawlgala dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Kolombiya ay isticmaaleen goobo transit ah oo ku yaalla Boosaaso, Chad iyo koonfur-bari Liibiya.
Sida warbixintu sheegtay, shabakadahaasi waxay fududeeyeen gaarsiinta shaqaale, tababar milatari, hub iyo taageero dhinaca saadka ah oo loo gudbinayay RSF.
Qaramada Midoobay waxay sidoo kale sheegtay inay diiwaangelisay ilaa 2,000 askari oo hore uga tirsanaa ciidamada Colombia, kuwaas oo sida warbixinta lagu sheegay la shaqeynayay cutubyo ka tirsan RSF, iyagoo adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, madaafiic iyo hub casri ah.
Warbixintu waxay si gaar ah u xustay in Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ay sidoo kale adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga helay dalal shisheeye, kuwaas oo howlgallo sababay waxyeello soo gaartay dad rayid ah.
Guddiga Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay in baaritaanno lagu sameeyo shakhsiyaadka iyo hay’adaha amra, maalgelinaya, sahayda siinaya ama si kale u fududeeya dambiyada caalamiga ah ee ka dhacaya Suudaan.
Maamulka Puntland ayaan wali si rasmi ah uga hadal eedeymaha iyo warbixintaan kasoo baxday Qaramada Midoobay.

