Puntland oo xukun lacag & Xabsi isugu jira ku ridday gacansiinta Burcad Badeed

Arbaco, 10 June 2026 {HMC}.Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukun isugu jira Xabsi 7 sano ah iyo ganaax lacageed oo dhan $10,000 oo doollar ku ridday Maxamed Cabaas Maxamed oo lagu eedeeyay in uu gacansiiyay Kooxo Burcad Badeed ah.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida & Danbiyada culus ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in lasoo bandhigay caddaymo muujinaya kiiska lagu eedeeyay sida hadalka loo dhigay.

Puntland ayaa xabsi ku haysa Rag kale oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal Burcad badeednimo kuwaas oo qaarkood lagu soo qabtay Magaalooyinka xeebta leh sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...