Puntland oo Diyaarado ku duqeysay Ciidamada PSF, kadib Dagaal shalay ku dhaxmaray Duleedka Boosaaso.

Talaado 21 Julay 2026 {HMC} Ciidamada PSF oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Laag-Boosaaso ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey in ay ‘duqaysay’ una adeegsatay diyaarado-iswada, sida uu sarkaal-sare oo PSF ah u sheegey BBC.

PSF ayaa sida oo kale si rasmi ah u sheegtey in ay ka tirsan yihiin ‘Ciidanka Xoogga dalka’ ayna hoostagaan Dowladda Federaalka ah, iyaga oo intaasi uu sarkaalka hadlay ku daray; in difaaca dalka ay xaq u leedahay Dowladda-dhexe, iyada oo Dowlad-goboleedyada keliya xaq u leeyihiin Booliis waa sida uu hadalka u dhigey.

Taliska ciidanka Puntland ayaa gelinkii hore ee maanta sheegey in ay soo afjareen ciidanka PSF oo ay ku eedeeyeen khalkhalgelin amni, iyada oo dowladdu soo bandhigtey gaadiid-dagaal & maxaabiis.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo laga Dalbaday in lasii daayo Muwaadiniin u dhashay Masar oo lagu haaysto Xeebaha Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Masar ayaa Soomaaliya ka codsatay in la dardargeliyo dadaallada lagu sii daynayo badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu hayo meel...