Ololaha Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bilaabatay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Qamiis, 11 June 2026 {HMC}Ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga billowday magaalada Muqdisho, kadib markii Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka siyaasadda ayaa sheegaya in kulamo iyo loollan siyaasadeed ay durba ka curtay Muqdisho, iyadoo siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaano ay bilaabeen ololaha kursiga bannaanaanaya ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu warramayaa inuu riixayo qaar kamid ah siyaasiyiintii taageerada weyn ka geystay guushii Aadan Madoobe, waxaana kamid ah wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiru dowladdaha arrimaha Gudaha, sida uu shaaciyey Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ee siyaasadeed ayaa imanaya xilli kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu noqday mid si weyn loogu loollamayo, iyadoo Villa Soomaaliya, xildhibaano iyo siyaasiyiin saameyn leh ay bilaabeen abaabul xooggan oo ku saabsan cidda hoggaanka Golaha qaban doonta bilaha soo socda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...