Nuqul ka mid ah heshiiska is-afgaradka ah oo ka kooban 14 qodob una dhaxeeyo Mareykanka iyo Iiraan oo La helay.

Arbaco 17, June 2026 {HMC} Warbaahinta fadhigeedu yahay Sacuudiga ee Al Arabiya ayaa maanta shaaca ka qaaday inay heshay nuqul ka mid ah heshiis is-afgarad ah oo ka kooban 14 qodob oo la filayo in Mareykanka iyo Iiraan ay saxiixaan maalinta Jimcaha, si loo joojiyo dagaalka labada dhinac.

Qodobbada heshiiska ;

1.Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo Mareykanka, iyaga iyo xulafadooda ku lug leh dagaalka hadda socda, waxay ku dhawaaqayaan marka la saxiixo Is-afgaradkan in dagaalka si degdeg ah oo joogto ah loogu soo afjarayo dhammaan furimaha dagaalka, oo ay ku jirto Lubnaan.

Waxay sidoo kale ballanqaadayaan in wixii hadda ka dambeeya aysan midba midka kale ku qaadi doonin weerar, islamarkaana aysan isugu hanjabi doonin xoog ama adeegsan doonin awood ciidan.

Heshiiska kama dambaysta ah ayaa dib u xaqiijin doona qodobkan iyo qodobada kale ee heshiiska ku jira.

2. Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo Mareykanka waxay ballanqaadayaan inay ixtiraamayaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee midba midka kale, islamarkaana aysan faragelin doonin arrimaha gudaha ee dhinaca kale.

3. Iiraan iyo Mareykanku waxay ballanqaadayaan inay sii wadaan wadaxaajoodyada si loo gaaro heshiis kama dambays ah muddo ugu badnaan 60 maalmood gudahood ah.

Muddadaas waa la kordhin karaa haddii labada dhinac ay si wadajir ah ugu heshiiyaan.

4. Marka la saxiixo Is-afgaradkan, Mareykanku wuxuu qaadi doonaa go’doominta badda ee saaran Iiraan, wuxuuna ka hortagi doonaa tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo ama lagu xannibayo Iiraan.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu ballanqaadayaa in muddo aan ka badnayn 30 maalmood lagu soo celin doono dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo ganacsiga heerkii uu ahaa ka hor dagaalka.

Dhaqdhaqaaqa maraakiibta Iiraan wuxuu la jaanqaadi doonaa heerkii uu ahaa ka hor dagaalka.

Mareykanku wuxuu sidoo kale ballanqaadayaa inuu ciidamadiisa kala baxayo goobaha ku hareeraysan Iiraan muddo 30 maalmood gudahood ah kadib marka la gaaro heshiiska kama dambaysta ah.

5. Marka la saxiixo Is-afgaradkan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay si degdeg ah u qaadi doontaa tallaabooyin lagu soo celinayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee ka kala goosha Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan.

Waxaa la qorsheynayaa in muddo 30 maalmood gudahood ah dhaqdhaqaaqaasi dib ugu laabto heerkii uu ahaa ka hor dagaalka.

Tani waxay ku xirnaan doontaa in la xalliyo caqabadaha farsamo iyo in Iiraan ay nadiifiso miinooyinka lagu aasay biyaha.

6. Mareykanku wuxuu ballanqaadayaa, isaga iyo saaxiibadiisa gobolka, inay diyaarinayaan qorshe dhammaystiran oo labada dhinac ay ku heshiiyaan, kaas oo loogu talagalay dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Iiraan.

Qorshahaas waxaa lagu taageeri doonaa maalgelin dhan ugu yaraan 300 bilyan oo doollar.

Qaabka loo hirgelinayo qorshahan waxaa lagu diyaarin doonaa 60 maalmood gudahood, isagoo qayb ka noqon doona heshiiska kama dambaysta ah.

7. Mareykanku wuxuu ballanqaadayaa inuu joojin doono dhammaan noocyada cunaqabateynta saaran Iiraan iyadoo jadwalka arrintaas lagu heshiin doono marka la gaaro heshiiska kama dambaysta ah.

Waxaa lagu dhaqangelinayaa qodobkan:

Go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Go’aannada Golaha Guddoomiyeyaasha ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA).

Dhammaan cunaqabateynta hal dhinac ah ee Mareykanka, kuwa tooska ah iyo kuwa dadbanba.

8.Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay mar kale ku celinaysaa inaysan waligeed soo saari doonin hub nukliyeer ah.

Iiraan iyo Mareykanku waxay ku heshiiyeen in arrinta walxaha la kobciyay iyo dhammaan qodobada kale ee la xiriira barnaamijka nukliyeerka, oo ay ku jiraan baahiyaha nukliyeerka ee Iiraan, looga hadli doono si dhammaystiran heshiiska kama dambaysta ah.

Heshiiska kama dambaysta ahi wuxuu dib u xaqiijin doonaa qodobkan.

9. Iiraan iyo Mareykanku waxay ku heshiiyeen in inta laga gaarayo heshiiska kama dambaysta ah la ilaalin doono xaaladda hadda jirta.

Iiraan waxay sii wadi doontaa barnaamijkeeda nukliyeerka sida uu hadda yahay.

Dhanka kale, Mareykanku ma saari doono cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Iiraan, mana kordhin doono awooddiisa militari ee gobolka.

10. Mareykanku wuxuu ballanqaadayaa in isla marka la saxiixo Is-afgaradkan, isla markaana ilaa laga gaarayo waqtiga si buuxda loo qaadayo cunaqabateynta, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanku ay bixin doonto oggolaanshooyin gaar ah oo u saamaxaya Iiraan:

•Dhoofinta shidaalka cayriin.

•Dhoofinta wax-soo-saarka batroolka iyo kiimikooyinka la xiriira.

•Fulinta dhammaan adeegyada la xiriira sida bangiyada, caymiska, gaadiidka iyo adeegyada kale ee la midka ah.

11. Mareykanku wuxuu ballanqaadayaa in iyadoo la eegayo horumarka wadaxaajoodyada lagu gaarayo heshiiska kama dambaysta ah, lacagaha iyo hantida Iiraan ee la xannibay ama la qabtay dib loo sii deyn doono, waxaana si buuxda loogu oggolaan doonaa inay isticmaasho.

Lacagahaas, ha ahaadaan kuwo ku jira akoonnada waaweyn ama kuwo meel kale lagu wareejiyay, waxaa loo isticmaali doonaa sida uu go’aamiyo Bangiga Dhexe ee Iiraan.

Lacagahaasi waxay si buuxda diyaar ugu ahaan doonaan isticmaal.

Mareykanku wuxuu sidoo kale bixin doonaa dhammaan rukhsadaha iyo oggolaanshaha lagama maarmaanka u ah arrintan.

12. Iiraan iyo Mareykanku waxay ku heshiiyeen in la sameeyo hannaan kormeer iyo dabagal ah oo lagu hubinayo in heshiiska kama dambaysta ah si guul leh loo hirgeliyo iyo in labada dhinac ay mustaqbalka u hoggaansamaan wixii lagu heshiiyo.

13. Kadib marka la saxiixo Is-afgaradkan, iyo marka la helo dammaanad muujinaysa in la bilaabay hirgelinta qodobada 4-aad, 5-aad, 10-aad iyo 11-aad, isla markaana tallaabooyinkaas ay si joogto ah u socdaan, Iiraan iyo Mareykanku waxay geli doonaan wadaxaajoodyo ku saabsan heshiiska kama dambaysta ah.

Wadaxaajoodyadaas waxay si gaar ah diiradda u saari doonaan qodobada weli harsan ee aan lagu dhammaystirin Is-afgaradkan.

14.Heshiiska kama dambaysta ah waxaa lagu ansixin doonaa qaraar sharci ahaan waajib ah oo kasoo baxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Taasi waxay ka dhigan tahay in heshiiska ugu dambeeya loo beddeli doono heshiis caalami ah oo leh awood sharciyeed, islamarkaana ay waajib ku noqon doonto dhinacyada saxiixay inay u hoggaansamaan.

W/Q Iman Jamac

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...