MW Xasan Sheekh iyo Midowga Afrika oo ka wadahadlay xaalka Soomaaliya.

Talaado 30,June 2026 {HMC}Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Salma Malik Haddadi, ayaa sheegtay inay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kaddib kulan ay la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, .

Salma Malik Haddadi ayaa sheegtay inay kulanka ku metelaysay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, , iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh u xaqiijisay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

Waxay ammaantay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo guulaha ay ciidamada Soomaaliyeed ka gaareen howlgallada ka dhanka ah kooxdaas. Sidoo kale, waxay soo dhoweysay dadaallada lagu hormarinayo wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashada madaxtinimada ee soo socota, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray caqabadaha ka jira maalgelinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo baahida loo qabo xalal waara, la isku halayn karo, isla markaana ay wadaagaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

DFS oo Diyaarineyso xayiraado dhaqaale iyo socdaal oo ka dhan ah Lafta-gareen

ISNIIN 7, Sep 2026 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayaan tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo...