Axad 05, Luulyo, 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in nabadda Bariga Dhexe ay ku xiran tahay Israa’iil oo gacmaha laga qabto maadaama marba dhinac ay ka abuurayso colaadda kala dhantaalaysa dedaallada nabadeed ee socda.
Madaxweyne Erdogan ayaa xusay in Maraykanka uu u muuqdo inuu jecel yahay xasilooni laga gaaro colaadda kala dhaxaysa Iiraan balse arrintu ay hoos ka hurinayso Israa’iil oo markii horeba colaaddaan faraha u gelisay sida uu hadalka u dhigay.
Erdogan ayaa sheegay in dalalka kala duwan ee Caalamka ay arkaan sida ay Israa’iil u doonayso colaad iyo dhibaato joogto ah sidaas awgeed loo baahan yahay in la helo damaanadqaad dhinaca Xukuumadda Netanyahu.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa dhowaan sheegay in Israa’iil xitaa ay damacsan tahay inay duullaan ku qaaddo dalal hadda xasiloon, waxa uu dhankooda xusay in aanay gacmaha ka laaban doonnin haddii ay soo weerarto.

