Arbaco, 10 June 2026 {HMC} Musharax Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo u hambalyeeyay Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur-Madoobe.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri:
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hogaamiyaha la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe), waxaan hogaamiyaha u rajeynayaa inuu Alle ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna guuleeyo horumarinta, mideynta, iyo u adeegidda bulshada reer Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa dhammaan musharrixiintii ka qayb qaadatay tartanka doorashada ee aqbalay natiijada doorashada, kuwaas oo muujiyay biseyl siyaasadeed iyo ixtiraamka habraaca dimuqraadiga ah.
Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa shacabka reer Koonfur Galbeed oo maanta qoray bog cusub oo taariikh ah.
Waa markii ugu horreysay tan iyo lixdamaadkii oo ay si toos ah uga qayb qaataan doorashooyin qof iyo cod ah, iyagoo soo doortay golayaasha deegaanka, golaha wakiillada, halka maanta golahaasi doorteen hogaamiyaha Dowlad Goboleedka.
Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Guddiga Doorashooyinka iyo dhammaan hay’adihii ku lugta lahaa hirgelinta doorashooyinkan ee sida hufnaanta, daahfurnaanta, iyo masuuliyadda leh u maareeyay geeddi socodka doorashada.
Doorashadan waxay cashar iyo waayo aragnimo muhiim ah u tahay dowlad goboleedyada kale ee wali ku dhex jira safarka dimuqraadiyenta. Waxaan rajeynayaa in ay ka faa’iideysan doonaan khibraddan si loo xoojiyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka oo dhan.
Ugu dambayn, guushan waa guul u soo hoyatay shacabka reer Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya, waana tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhismaha dimuqraadiyad ku dhisan rabitaanka shacabka, nabad, iyo dowladnimo waarta.
Hambalyo Koonfur Galbeed. Hambalyo Soomaaliya

