jumca 19, June 2026 {HMC} Mucaaradka ayaa isku raacay 6 xubnood oo shirarka ku matali doona, Beesha caalamka iyo guddiga farsamada ay dowladda soo dirsatana kala doodi doona arrimaha doorashooyinka.
Arintii Farmaajo ee qilaafka ka taagnaa ee xubnaha guddiga uu rabay loogu daro ayaa ugu danbeyn lagu xaliyay inuu hal shaqsi kusoo darsado kaas oo ah Wasiir Hore balal oo ay qaraabo dhow yihiin, inkastoo horay shirarka mucaaradka uu ka qayb gali jiray abdirahman dheere oo ku team ah farmaajo, lamana oga sababta uu uga reebay Guddiga uguna darsaday Balal.
Jubbaland ayaa ayadu soo dirsatay Abdirashiid jire, Halka Puntland soo dirsatay Dhabancad, inta kalana Golaha Mustaqbalka+ Balal oo Farmaajo ah.
Si kastaba haatan waxaa jirta rajo fiican oo ah in heshiis lagaaro maadaama mucaaradka ay ogolyihiin doorasho toos ah balse aan xisbiyo aheen, sidoo kale maamul walba waxaa la sameyn doonaa afar goob oonay shacabka ky codeyn doonaan.
Tani waxay meesha ka saareysaa doodii xasan shiikh aheed mucaaradka ma hayaan nuuc doorasho oo ah miiska soo saaraan,mar hadii doorasho dadweyne la isla ogolaaday inta hartay ee farsamada ah ma dhib badnaan doonto

