Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC} Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo isku day kasta oo lagu beddelayo qaab-dhismeedka bulshada ama dhulka Marinka Qaza, isagoo mar kale xaqiijiyay in Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ay tahay inay hoos yimaadaan hal maamul oo Falastiin ay leedahay.

Afhayeenka Guddiga Yurub, Christian Wigand, ayaa sheegay in mowqifka Midowga Yurub uu si buuxda ula jaanqaadayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2735.

“Waxaan ka soo horjeednaa isku day kasta oo lagu sameynayo isbeddel dhinaca bulshada ama dhulka ah oo ka dhaca Marinka Qaza,” ayuu Wigand sheegay Jimcihii. Wuxuu hadalkan kaga jawaabayay su’aal laga weydiiyay bayaan kasoo baxay mas’uuliyiin Israa’iili ah oo la xiriiray qorshayaal lagu barakicinayo Falastiiniyiinta Qaza.

Wigand ayaa sidoo kale sheegay in aan la aqbali karin in barakicin khasab ah lagu sameeyo shacabka Qaza, isagoo carrabka ku adkeeyay in Qaza ay tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan dowlad Falastiin oo mustaqbalka la yagleelo.

“Ma dhici karto in barakicin khasab ah lagu sameeyo dadka Qaza. Qaza waa qayb aan la kala goyn karin oo ka mid ah dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhalata,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa hadallada kicin kara xiisadda ku tilmaamay kuwo aan marnaba la aqbali karin, isagoo hoosta ka xariiqay in dhammaan dhinacyadu ay tahay inay xoogga saaraan dejinta xaaladda beddelkii ay sii hurin lahaayeen xiisadda.

Hadalka Midowga Yurub ayaa yimid kaddib markii Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, uu sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay bixitaanka Falastiiniyiinta Qaza u fududeyso “badda, cirka iyo waddo kasta oo suurtagal ah.”

Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa isaguna dhankiisa soo bandhigay qorshe dhigaya in 1.86 milyan oo Falastiiniyiin ah ay Qaza ka baxaan muddo toddobo sano gudahood ah, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay “hijro ikhtiyaari ah.”

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, in si khasab ah dad rayid ah looga raro dhul la haysto waa arrin mamnuuc ah, waxaana xaaladaha qaarkood loo aqoonsan karaa dembi dagaal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...