Maxeey ka wadahadleen Madaxweynayaasha Ruushka iyo Iiraan.?

Sabti, 29, August 2026 {HMC} Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Isniinta u safri doona magaalada Bishkek ee caasimadda Kyrgyzstan, si uu uga qayb galo shir madaxeedka labada maalmood soconaya ee Ururka Iskaashiga Shanghai. Shirka waxaa sidoo kale ka qayb geli doona Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu kulan gaar ah la yeelan doono Pezeshkian iyo Xi Jinping inta uu shirku socdo.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu galay bishii lixaad, halka dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu socday in ka badan afar sano iyo bar.

Ruushka iyo Iran ayaa sannadihii u dambeeyay si weyn u xoojiyay xiriirkooda milatari iyo dhaqaale, gaar ahaan intii uu socday dagaalka Ukraine.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan.

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku...